U bood dhigaalka

AFRICOM: Waxaan Dilnay Lix Ka Mid Ah Daacishta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay iyaga iyo ciidanka DFS ka fuliyeen buuraleyda Goolis ee Puntland.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay Lix ka mid ah dagaalyahannada Daacish.

Sidoo kale, Maraykanka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Daacish iyo A-shabaab iyaga oo kaashanaya ciidanka DFS.

Dhanka kale, AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkaasi ay hubiyeen in aanu waxyeello kasoo gaarin dadka rayidka ah.

Maraykanka ayaa DFS waxyaabaha uu ka caawiyo waxaa ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab iyo Daacish.

Goobjoog News