U bood dhigaalka

AFRICOM: Waxaan Duqeyn Ku Dilnay 10 Xubnood Oo Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Aafrica (AFRICOM) ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay weerarkii shalay Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Maraykanka iyo kuwa xoogga dalka ku leeyihiin deegaanka Balli-doogle ee Shabellaha Hoose iyo sidoo kale duqeyn ay fulliyeen diyaaradahooda.

Waxaa lagu sheegay qoraalkan in ciidanka Maraykanka iyo  kuwa Soomaaliya ay jawaab culus ka bixiyeen weerarkaasi, islamarkaana Laba duqeyn oo ay fuliyeen ku burburiyeenn Labo gaari oo ay la socdeen xubno Al-shabaab ah.

AFRICOM ayaa sheegtay in ay dileen 10 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, balse ma aanay sii faah faahin.

Dhanka kale, William Gayler oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee howlgallada u qaabilsan Qaarada Afrika ayaa sheegay in weerarkii Al-shabaab ee Balli-doogle uu muujinayo halista ay Al-shabaab weli ku leeyihiin Maraykanka iyo saaxibadiisa caalamka.

Ugu dambeyn, AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntii ay fuliyeen iyo sidoo kale weerarkii Al-shabaab ee Balli-doogle aanay jirin cid shacab ah oo waxyeello kasoo gaartay.

Goobjoog News