U bood dhigaalka

Afrika Oo Lagu Qaban-doono Ciyaaraha Olombikada Dhalinyarada 2022-ka

Sheeko:Dalka

Guddiga Olombikada adduunka ayaa maanta oo arbaco ah kulan ka dhacay Pyeongchang shaaciyay in 2022-ka qaaradda Afrika lagu qaban-doono ciyaaraha Olombikada dhalinyarada ama “the Youth Olympic Games (YOG)”.

Codeynta oo aqlabiyad u dhacday kadib, Thomas Bach oo ah madaxa guddiga Olombikada  oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la gaaray waqtigii Afrika.

Dalka lagu qaban-doono waxaa go’aan laga gaari-doona ciyaaraha fudud ee dalka argentina ka dhici-doona bisha October ee sanadkan.

Guddi gaar ahaa loo saarayaa si dalalka lagu war-geliyo in ay dalabaadka marti-gelinta soo dirsadaan, waxaana u furan dhammaan 54-ta dal ee qaaradda Afrika in ay u tartamaaan.

Goobjoog News