U bood dhigaalka

Afrika Oo Trump Ka Dalbatay Raali-gelinta “Qashin”

Sheeko:Dalka

Midowga Afrika ayaa ka dalbay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu raali-gelin ka bixiyo hadallo uu ku sheegay inay tahay qaaradda Afrika mid wasaq iyo qurun ah.

Ergeyga midwoga Afrika ee ku sugan magaalada Washington, D.C. ayaa sheegtay inay ka xuntahay hadalka Trump ayna ka careysantahay, waxayna hoosta ka xariiqday in maamulka Mareykanka uusan waxba ka fahansaneyn qaaradda Afrika.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in hadalkaani uu Turmp dhahay intii uu socday kulan ka dhacayey aqalka cad loogana arrinsanayey arrimaha Socdaalka.

Trump ayaa iska diiday inuu u adeegsado hadalka dowladaha qaaradda Afrika luqad la fahmi karo.

Ergeyga midowga Afrika ayaa tilmaantay in lagama maar-maan ay tahay in la furo wadahadal dhab ah oo u dhaxeeya Mareykanka iyo dowladaha midowgga Afrika, waxayna ugu baaqday Trump inuu dhowro karaamada bani’aadanimada.

Goobjoog News