U bood dhigaalka

Afrika: Rwanda Iyo Tanzania Oo Mamnuucay Shiishadda, Akhriso Khatarta Laga Ogaaday

Sheeko:Caafimaadka

Dalka Rwanda ayaa mamnuucay cabista shiishada laga bilaabo jimce December 15, 2017, kadib markii lagu arkay khatar caafimaad.

Wasiirka caafimaadka ee dalkaasi oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in Shishada ay khatar u leedahay noloshada aadanaha, waxaana ka mid ah cancerka sambabada, cudurada wadnaha iyo qaar kale oo badan.

Rwanda waa dalkii 2aad ee Shiishada mamnuuca, kadib markii madaxweynaha Tanzania John Pombe uu dalkiisa ka xanibay July 2016-kii.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka la cabo shiishada, weliba guryaha qaar caruurta dhex-dooda, mana jirto wacyi-gelin arrintaasi laga heysto.

Goobjoog News