U bood dhigaalka

Afti: Kurdiyiinta Oo 92% U Codeeyay Madaxbannaani

Sheeko:Dalka

Sida ay sheegayan guddiga doorashada gobolka Kurdistaan, 92% dadkii codkooda ka dhiibtay aftida waxaa ay u codeeyeen in gobolkaasi madaxbannaani ka qaato dalka Ciraaq.

Inta badan, dalalka gobolka iyo adduunka intiisa kale waa ka soo horjeedaan aftida iyo madaxbannaanida gobolkaasi, waxaase la sheegayaa in ay la dhacsan yihiin Russia iyo Israel

Aftidan ayaa timid markii Baarlamaanka Ciraaq isku raacay in ciidamo loo diro gobolka ay isku hesytaan Kurdiyiinta iyo Carabta, arrintaas waxaa loo xilsaaray ra’isul wasaare Cabbaadi.

Kurdiyiinta waxaa ay ku noolyihiin dalalka Iraq, Syria, Turkey iyo Iran, waa markii ugu horeysay ee dal yeeshaan.

Goobjoog News