U bood dhigaalka

Afwerki Oo Wafdi U Diraya Dalka Itoobiya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa sheegay in dalkiisa uu wafdi u diri-doono Itoobiya si qaab dhow oo toos ah ula socdaan xaaladda iyo isbadallada halkaas ka dhacay.

Isaias Afwerki  oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri“Waxaan wafdi u direynaa Adis Ababa si horukaca ugu qiimeeyaan si toos ah oo qotto-dheer iyo inaan dejinno qorshe shaqo oo joogta ah mustaqbalka”

Dhinaca kale, Isaias Afwerki waxaa uu intaasi raaciyay inay muhiim tahay in lala socdo isbadallada ka dhacaya gobolka gaar ahaan dalka Itoobiya.

“Dhacdooyinka iyo isbadallada ka dhacay gobolka guud ahaan gaar ahaan Itoobiya dhowaan waxaa ay naga mudan tahay ihtimaam gaar ah”sidaas waxaa yiri madaxweyne Afwerki .

Xiriirka Itoobiya iy Eritrea ma fiicneyn xilliga ra’isul wasaarihii hore, waxaana muuqa in Abiy uu qaaday jid ka duwan midkii ninka ka horeeyay.

Goobjoog News