U bood dhigaalka

Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka NISA Oo Xabsiga La Dhigey

Sheeko:Amniga

Ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa xalay waxa ay xabsiga dhigeen Taliyaha Hoggaanka caafimaadka ee hay’addaasi.

Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal ayaa la xiray kadib markii shalay uu gaarigiisa ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho, isaga oo ka badbaaday qaraxaasi.

Ehlada Gacal ayaa u sheegay Goobjoog News, in qaabka loo xiray aan ahayn mid uu mudnaa, islamarkaana loo diidey ehelkiisa iney ogaadaan halka la geeyey.

Laamaha ammaanka weli kama aanay hadal xarigga Dr. Gacal iyo sababaha ka dambeeya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News