U bood dhigaalka

Agaasimaha Duulista Hawada: Farmaajo Waxaa Uu Ballan-qaaday Soo Cellinta Hawada, 23 Sano Lacagteeda In Laga Hadlo Waa Khatar

Sheeko:Dalka

Agaasimaha guud ee hey’adda  duulista iyo saadaasha hawada Capt Cabdiwaaxid Cumar Sheekh Axmed oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay kullan dhexmaray hey’adda iyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Faramaajo isagoo sheegay in madaxweynaha uu ballan-qaaday dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan.

Agaasimaha waxaa uu Goobjoog News u sheegay in Soomaaliya aanay wax lacag ah ka helin diyaarada isticmaala hawada tan iyo 1994-tii, taasi uu u aaneeyay in qeybtaas oo laga maamulo dalka Kenya, lacagtana la siiyo qaramada midoobay, lacagtaas sidee lagu heli karaa mar aan weydiinay waxaa uu leeyahay waa in aan dacwo furno.

Cabdiwaaxid oo xafiiska haya sanad iyo bar, waxaa uu sheegay in wax badan uu soo kordhiyay sida dab-damisyo, shidaal-ka diyaaradaha, nabad-galyada, sharciyada garoonka, towerada, barking-ka, safetiga iyo arrimo badan.

Agaasimaha hey’adda duulista iyo saadaasha hawada waxaa uu ka hadlay in hey’addiisa ay gacanta ku heyso dhammaan hawada Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay in garoomadaas ay isugu jiraan sideed(8) garoon oo ku yaallo magaalooyinka waaweyn sida Hargeisa, Berbera, Boosaaso, Galkacyo, Muqdisho, Kismaayo iyo magaalooyin kale iyo illaa 30 garoon kale oo macmil ah.

Diyaaradaha yimaada Soomaaliya waxaa uu ku sheegay in noocyadooda kala yihiin Turbo Probe iyo Jett, 24-kii saacna waxaa hawadeenna isticmaala in ka badan 150-200 oo diyaarad oo isgu jira rakaab iyo xamuul.

Agaasimaha guud ee hey’adda duulista iyo saadaalinta hawada waxaa uu hey’addiisa aanay wax lacag ah ka qaadin garoomada ku yaallo dalka, oo lacagta soo gasha hey’adda ay tahay marka ugu horeysa oo diyaaradaha ay helayaan ogolaashiyo ay hawada ku isticmaalaan.

Ugu dambeyntii, Agaasimaga guud ee hey’adda duulista iyo saadaasha hawada mudane Cabdiwaaxid Cumar waxaa uu rajo fiican ka muujiyay in Soomaalida ay maamuli karaa hawada, isagoo sheegay in ay jiraan dad Soomaali ah oo si fiican u tababaran oo arrintaasi qaban kara.

Hey’adda oo qeyb ka ah National Security dalka, waa hey’ad u baahan in ay ka howl-galaan dad aqoon u leh shaqada, isla markaana la shaqeyn kara hey’adaha kala duwan ee dowladda taasi oo hadda aad u liidato.

 

Goobjoog News