U bood dhigaalka

Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Puntland oo Xilka La Wareegay

Sheeko:Amniga

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka  Puntland  Maxamed Cabdirashiid Cali ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada  Maxamed Cabdiladiif Yuusuf,

Munaasibad kooban ku dhacday hab- maqal iyo muuqaal ah waxaa ka qeybgalay Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Timacadde, Af-hayeenka Madaxtooyada Jaamac Dabaraani iyo dhammaan Agaasime waaxeedyada Madaxtooyada.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdiladiif wuxuu ka warbixiyey shaqadii qabsoontay intuu xilka hayey iyo qorsheyaasha u yaallay, isagoo kelmad dardaaran iyo mahadcelin ah u jeediyey dhammaan Shaqaalaha Madaxtooyada.

Cabdiweli Timacadde Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada oo wakiil ka ah Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif, ayaa Dukumentiyada iyo agabka kale ee xafiiska ku wareejiyey Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid Cali.

Gabangabadii kulanka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid ayaa hadal kooban jeediyey, wuxuuna uga mahadceliyey agaasimihii hore shaqada uu soo qabtay, iyo sidoo kale dhammaan shaqaalaha lasoo shaqeeyay.

Goobjoog News