U bood dhigaalka

Agaasimaha Hey’adda Concern Oo Ka Sheekeysay Wixii Ay Ku Soo Aragtay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Agaasimaha Geeska Afrika ee Hey’adda banii’aadanimada ee Concern ayaa ka sheekeysay booqasho ay ku timid Soomaaliya, iyada oo duleedka magaalada Muqdisho ku soo aragtay qoysas barakacayaal ah iyo caruur ay nafaqo darro heyso.

Agaasimaha hey’addan Carol Morgan waxaa ay leedahay in ka badan 6.2 million oo Soomaali ah ayaa u baahan cunto, dawo iyo gargaar deg deg ah.

Hey’addan oo ku howlaneed arrimaha gargaarka banii’’aadamnimada min 1989-kii, waxaa ay booqatay goobo ku yaallo duleedka magaalada  Muqdisho oo ay degan yihiin dad barakacayaal ah, dadkan ayaa ka soo qaxay goobaha ay abaaraha ka jiraan ee Soomaaliya.

Carol Morgan oo iyadaba hooyo ah waxaa ay la yaabtay sida ay soo aragtay caruur yar oo tacbaan ah, aan ooyi Karin ama aan heesi karin, waxaa ka mid ahaa caruurtii ay aragtay cunug 3 jir ah oo 9kg ah

Morgan waxaa ay la hadashay dhowr hooyo oo kaamamka ju jira;

“Waa war fiican in ay si nabad ah ku dhashay, hooyo 5 maalin oon iyo harraad kula soo lugeysay labo caruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 jir” sidaa waxaa tiri Carol

Hooyo kale oo ay la hadashay Carol, waxaa ay u sheegtay in tuulada ay oon iyo baahi darteed uga dhintay cunug, taas oo ku qasabtay in ay ka soo baxsadaan.

Shaqaalaha la socday Carol Morgan waxaa ay qoreen in ka badan 25 caruur ah kuwaas oo si degdeg ah ugu baahnaa gargaar iyo la tacaalid.

Goobjoog News