U bood dhigaalka

Agaasimaha Iyo Tifaftiraha Idaacadda Risaala Oo Maanta Dib u Helay Xurriyadooda

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta dib u helay xurriyadooda agaasimaha iyo tifaftiraha Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho, kuwaa oo ku dhawaad Todobaad u xirnaa Hay’adda Nabad Sugidda.

Agaasimaha Risaala Maxamed Cabdi Wahaab iyo Tifaftire Maxamed Kaafi waxaa la xiray maalintii Sabtida ahayd ka dib markii idaacadaasi laga baahiyay warar ku aadan ruux looga shakiyay Ebola, taasna ay keentay in wasaaradda caafimaadka ay deg deg ku sameyso baaritaan arintaasi la xiriirta.

Weli waxaa xiran wariye Maxamed Cabdi Cali oo ka mid ah wariyaasha Idaacadda Risaala, iyadoo dhanka kale ay hawada dib ugu soo laabatay Idaacadaasi.

Wariyaashaan ayaa xaaladooda waxay tahay mid wanaagsan, mana jirto dhibaatooyin ay kala kulmeen ciidamada dowladda mudadii ay xirnaayeen marka laga reebo xurriyad la’aanta.

Goobjoog News