U bood dhigaalka

Agaasimaha Nabadda Sugida Tuur-Yare oo Baarlamaanka Hor Tagey, Warbixina Ka Bixiyey (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

TuuryareAgaasimaha hey’adda nabad sugidda qaranka Col. Cabdiraxmaan Tuur-Yare ayaa maanta hortagay baarlamaanka federaalka isaga oo ka warbixiyey halka ay marayaan baaristii lagu sameynayay xildhibaano badan oo laga diley baarlamaanka.

Agaasimaha ayaa sheegey in ay gacanta kusoo dhigeey 8 qof oo ka mid ah shabakad 11 qof ka koobneyd oo dhamaantood mas’uul ka ahaa xildhibaanadii la laayay, islamarkaasina qirtey.

Waxaa kale oo uu xildhibaanada ka hor sheegey in lasoo qabtay gaadiid iyo agabkii ay ku hawlgalayeen shabakada lasoo qabtay , waxaa ka mid ah 4 baabuur oo ka mid ahaa 6 baabuur oo ay hawlaha ku fulin jireen, 5 qalabka ismiidaaminta oo ka koobnaa 3 jaakadood oo miinaato ah iyo 2 boorsooyin kuwa dumarka ah.

Xildhibaanada ay qirteen raggani la hayo in ay dileen iyo mas’uuliyiinta kale ayuu magacyadooda meesha ka sheegey agaasimaha, waana sida soo socota.

  1. Xuseen Cabdisalaan
  2. Maxamed Maxamuud Xeyd
  3. Saado Cali Warsame
  4. Sheekh Aadan Madeer
  5. Ibraahim oo ah taliye nabad sugidda qaranka
  6. Maxamed Qaanuuni xilka oga dambeeyey Qaanuuni
  7. Col. Maxamuud Cabdi Cadoow Dhabareey, ku xigeenka agaasimaha laanta socdaalka
  8. Yuusuf Maxamed Hilaal , mas’uul gobolka Banaadir

Qalabka kale ee ay hey’adda nabad sugidda soo qabatay waxaa ka mid ah bastoolado casri ah oo uu ku xiranyahay qalabka juuq la’aanta ama bastoolada u diidaya in ay shanqarto marka la ridayo, wuxuu sheegey agaasimaha in dalalkii laga keeney ay ogaadeen, islamarkaasina uu socdo xiriiro ku aadan in sharaxaad laga bixiyo qaabkii ay dalka kusoo gaareen.

Col. Tuur-yare ayaa dhanka kale sheegey in shabakadi ay mas’uul ka ahayd weeraradii waaweynaa ee dhacay sida weerarkii maxkamadda, kii UNDP, Safaaradda Turkiga, Baarlamaanka, Hargaha iyo Saamaha.

“Waxaan rabaa marka aad warbixintani dhageysataan in qubaro xagga amniga ay idin siiyaan talooyin yaryar oo la idiin jeedinayo si aad gacan nooga siisaan in amnigiina la sugo” ayuu yiri Tuur-yare.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysey oo agaasimaha hey’adda nabad suggida uu hortago baarlamaanka, islamarkaasina warbixin ka siiyo dambiyada dalka ka dhacaya iyo halka ay mareyso baarista lagu sameeyey.

Dhageyso

 

Goobjoog News