U bood dhigaalka

Agaasimaha Universal Tv Ee Hargeysa oo Goobjoog Uga Waramay Ganaaxii Lagu Soo Rogay

Sheeko:Amniga

Agaasimaha Universal ee Hargeysa, Maxamed Caabi Digaale oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sharci darro ku tilmaamay ganaaxii maalinimadii shalay ay ku soo rogtay Somaliland muuqaal baahiyeyaasha Universal iyo Star, kuwaas dhowaan amar ka soo baxay wasaaradda warfaafinta lagu xiray laguna ganaaxay markii dambe lacag.

Agaasimaha ayaa xusay inaan loo ogolaan in ay doodaan, muddana ay ku dabo socdeen maxkamdda sare ayna u sheegtay in dib loo eegayo waxaana uu intaas ku daray in qodobka lagu soo eedeeyey ee baahinta khudbaddii Madaxweyne Biixii ee 26-ka June aysan ku jirin Dastuurka Somaliland sida uu ku dooday agaasimaha Tv-ga .

“Marka ugu horeysay waxa nagula heystay waa sharci darro, Tv private lagu yiraahdo maxaa u siideyn weysay dastuurka Somaliland meel ay uga taallo malahan,  ciddii siidey weysana waa la xirayaa , markii TV-ga la xiray waxaan ka daba wareegnay maxkamadda sare ee qaranka. Markii aan muddo ka daba wareegnay waxaa ay nagu dhaheen qarar ayaan soo saareynaa oo ay nagu dhaheen waa in dib loo eego waxa lagu heysto labada Tv. markii la filaayey in qaladkooda ay saxaan ayey maanta waxaa ay soo saareen qanaax 15,000$” ayuu yiri agaasimaha Tv-ga.

                                                        Halnaak Hoose ka daawo

 

 

Goobjoog News