U bood dhigaalka

Agaasimahii Wasaaradda Cadaaladda Iyo Diinta Ee Hirshabelle Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Agaasimahii wasaaradda cadaaladda iyo diinta ee maamulka Hirshabelle Garaad Axmed Caddow ayaa ku dhowaaqay inuu iska casilay xilkaasi.

Garaad oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in is casilaaddiisan ay ka dambeysay kadib markii wax laga qaban waayay talooyin badan oo ku aadan dhanka shaqada ee uu marar badan u gudbiyey wasiiradii soo maray wasaaraddaasi.

Waxa uu tilmaamay agaasimaha in Labo wasiir ay soo martay wasaaraddan, islamarkaana uu la shaqeeyay, balse dhammaantood ay ahaayeen kuwo aan aqoon u lahayn shaqada loo igmaday waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan isku casilay markaan arkay in dad aan aqoonba u lahayn shaqadan xilalka wasiir loo soo magacaabay, waxaan u direy talooyin badan oo shaqada lagu hormarinayo, cid wax ka qabtayna maleh, sidaasi darteed waan is casilay” ayuu yiri Garaad Axmed.

Ugu dambeyn, Agaasime Garaad Axmed ayaa sheegay in garsoorka Hirshabelle uu culeys badan ka jiro, islamarkaana la doonayey in wasaaradda la teyeeyo si garsoorka loo hagaajiyo.

Goobjoog News