U bood dhigaalka

Ahlu Suna oo Kasoo Horjeedsatay Qorshaha Isku Dhafka Ciidamada ee Madaxweynaha uu Shaaciyey

Sheeko:Dalka

Ahlu SunaAfayeenka Dhaqdhaqaaqa Ahlu Suna Waljamaaca ee Koonfurta Soomaaliya Sheekh Isaaq Al-Qaadi ayaa sheegey in marnaba ciidamadooda aanan lagu dhafi doonin ciidamada dowladda sida uu yahay qorshe uu dhawaan shaaciyey madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Afayeenka ayaa sheegey in ciidamada Ahlu Suna ay soo jireen muddo dheer, kaligoodna dagaalada kusoo jireen iyaga oo aanan cidina garab ka helin, wuxuuna tilmaamay in aysan marnaba suurogal ahayn in ciidamadaasi lagu milo kuwa dowladda Soomaaliya.

Wuxuu farta ku fiiqey in horey uu u jirey heshiis dhexmaray ururkooda iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo dowladsa ku eedeeyey in ay fulin weysey heshiiskaasi, sidaasi darteedna aysan haatan jirin wax lagu aamini karo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan shaaciyey qorshe la’isugu dhafayo ciidamada kala duwan ee dalka ku sugan, lana dhisayo ciidamada qaran oo xoog leh, wuxuuna tusaale usoo qaatay ciidamada maamulka Jubba, kuwa Koonfur Galbeed, kuwa Ahlu Suna, iyo kuwa kasta oo kale oo dowladda taabacsan oo dalka ku sugan.

Dhageyso

Goobjoog News