U bood dhigaalka

Ahlu-sunna: Hadda Kadib Waa La Fulin Heshiisyada Aan La Galno Dowladda

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna waljameeca ee gobollada dhexe ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya la fulin doono dhammaan heshiisyada ay la galaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Shaakir, hoggaamiyaha maamulka Ahlu-sunna ee gobollada dhexe ayaa mar uu shacab badan kula hadlayey degmada Dhuusamareeb, waxa uu sheegay in dowladihii ka horreeyay midda hadda jirta ay dhammaantood isaga mid ahaayeen ineysan fulin heshiisyada la wada galo, balse hadda ay dowladda Madaxweyne Farmaajo ka heleen ballanqaad ah in wax walbo la fulin doono.

Shaakir ayaa sidoo kale sheegay in mudadii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho ay wada shireen madaxda dowladda federaalka, ayna isla garteen in loo midoobo dagaal ka dhan ah Al-shabaab, sidoo kalena wixii khilaaf ah ee dadka Soomaaliyeed ka dhaxeeya lagu dhammeeyo wada hadal.

“Dowladihii hore maamulka gobollada dhexe heshiisyo ay la galeen wax oofiyey maleh, waxaan rajeyneynaa in la oofiyo ballamada wixii hadda ka dambeeya aan la galno dowladda Federaalka, dowladda federaalka ee waddanka hadda u bilantay waxaan aad iyo aad uga wada hadalnay danta caamka ah ee Soomaaliya iyo midda gobollada dhexe, waxaa ka mid ah iney soo celiyaan ciidankii Soomaaliya ee sharafta badnaa ee qiimaha badnaa, ciidankii wuxuu ka dhisan yahay isaga oo Soomaaliya kaliya ka kooban gobollada dhexe, waa la go’aamiyey in iyaga oo isku dhafan iney kala dagaallamaan oo iska xoreeyaan Al-shabaab, waxaan kaloo ka hadalnay amniga gudaha Soomaaliya in laga wada shaqeeyo, loo midoobo nimankaasi, wixii khilaaf ah ee Soomaalida kale ee aan Shabaabka ahayn dhex yaallana wada hadal lagu dhameeyo” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Ahlu-sunna Waljameeca ayaa maamusha deegaanno kamid ah gobolka Galgaduud, waxaana ay kahor jeedaan maamulka Galmudug.

Goobjoog News