U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Iyo Galmudug Oo Ciidamo Badan Ku Daabulay Deegaanka Mareergur Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ugu dambeeyay ee Goobjoog News ka helayso deegaanka Mareergur ee gobalka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ciidamo aad u badan ay halkaasi ku daabuleen Ahlu-sunna Waljameeca garabka Dhuusamareeb iyo sidoo kale maamulka Galmudug.

Ciidamadaan ayaa ah kuwo aad u badan, waxaana la sheegay in Ahlu-sunna ay ciidamo badan ka kaxeeyeen degmada Dhuusamareeb, iyaga oo deegaankaasi geeyay.

Galmudug dhankeeda ayaa la sheegayaa in ciidamo badan ay dhigeen duleedka deegaankaasi, taasi oo qalqal ku beertay dadka shacabka ah.

Qof ku sugan deegaanka Mareergur ayaa inoo sheegay in shacabka intiisa badan ay deegaankaasi isaga barakaceen, iyaga oo ka baqanaya in dushooda lagu dul dagaallamo.

Xaaladda sida ay ku dambeyn doonta lama oga, hase ahaatee Ahlu-sunna iyo Galmudug waxa ay Laba maalin kahor ku dagaallameen degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News