U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Baaq u Dirtey Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobollada dhexe ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah lala soo gaaro shacab Soomaaliyeed oo ku barakacay degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Yuusuf Xasan Ciyo, guddoomiyaha guyddiga abaaraha ee maamulka Ahlu-sunna ayaa sheegay in degmadaasi ay kusoo barakaceen dad ka badan 200 oo qoys, kuwaasi oo halkaasi soo gaaray kadib markii deegaannadooda colaad iyo abaar ay ka dhacday.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dadkaan hadda ay hasato dhibaato aad u weyn, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ugu baaqay in dadkaasi gurmad degdeg ah lala soo gaaro.

“Dadkaan dhibaato weyn baa haysata, xag dhaqaale, xag biyo, xag raashiin, xag maacuun ayaa haysata, shacabka Soomaaliyeed, beesha caalamka, gaar ahaan dowladda Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa in degdeg deeq ula soo gaarto dadkaan si wax loogu qabto”

Qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah ee ku sugan degmada Dhuusamareeb oo la hadlay warbaahinta ayaa ku baaqay in gurmad lala soo gaaro, waxayna sheegeen in xaaladooda ay tahay mid aad u liidato, xitaa aaney haysan dhar ay xirtaan.

Goobjoog News