U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Dagaalka Xeraale Ku Eedeysay Galmudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu-sunna ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Xeraale ay soo abaabuleen maamulka Galmudug.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Ahlu-sunna ay markii hore halkaasi u tageen sidii ay ku xalin lahaayeen beello walaalo ah oo dad iska dilay, balse maamulka Galmudug uu dhaqaale ku bixiyey sidii loo abaabuli lahaa dhallinyaro deegaanka ah oo dagaal kala hortaga ciidamadaasi, waa sida war-saxaafadeedka lagu sheegay.

Sidoo kale Ahlu-sunna ayaa sheegtay ineysan marnaba raali ka ahayn in dagaal uu ka dhaco deegaanka Xeraale, ayna ku dedaalayaan sidii xaaladda loo qaboojin lahaa.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka

20217345_1606347109427441_1333354870_n

Goobjoog News