U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Dowladda Federaalka Ku Eedeeysay Dagaallada Ka Dhaca Galgaduud

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee Dhuusamareeb ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay kaalin mug leh ku leedahay dagaallada soo laab laabtay ee ka dhacay gobalka Galgaduud.

Cali Baashi Farax oo ah ku xigeenka madaxweyne ay doorteen Ahlu-sunna ayaa sheegay in dowladda ay dooneyso oo kaliya in dagaallo ay ka dhacaan Galgaduud, isaga oo sababta arrinkaasina ku sheegay fulin la’aanta heshiisyo badan oo horay loo gaaray.

“Dagaalkaasi waxa soo celcelinaya waa gacanta dowladda, inta aysan billaaban waxaa ka horreysay heshiishyo badan oo dowladda ay la gashay Ahlu-sunna, heshiiyo badan ayaa jiray oo horay loola galay Ra’iisul wasaare Hore Saacid, waxaa ka dambeeyay wasiirka arrimaha gudaha, waxaa ku xigay wasiirka difaacad, Abaanduulka ciidanka xoogga dalka ayaa kasii dambeeyay, dhammaan heshiisyadaasi dhanka dowladda ayeey ka dhaqan geli waayeen, waxay taasi ku bedashay dagaallo” ayuu yiri Cali Baashi.

Ugu dambeyn Cali Baashi ayaa sheegay in Ahlu-sunna Waljameeca ay sameysatay dowlad gobaleedka gobollada dhexe, islamarkaana ka maamul ahaan ay isku tashi sameysteen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maamulka Ahlu-sunna ee degmada Dhuusamareeb ayaan aqoonsaneen maamulka Galmudug State ee uu hogaamiyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxayna taasi beddalkeeda sameysteen maamulka goballada dhexe.

Goobjoog News