U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Farriin u Dirtey Beelihii Ku Dagaallamay Banyaaley

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobollada Dhexe ayaa ugu baaqay beelihii dhowaan ku dagaallamay deegaanka Banyaale ee Hiiraan, iney nabadda qaataan oo ay wada fariistaan wixii dhacay.

Cali Baashir Faarax oo ah ku xigeenka Hoggaamiyaha Ahlu-sunna ee gobollada Dhexe ayaa sheegay in dagaal aanu wiil ku dhalan, sidaasi darted loo baahan yahay beelahan iney dib u eegaan walaalnimada oo ay qaataan nabadda.

“Waxaan kusoo baxnay oo aan u nimid Banyaaley waa inaan kala dhexgalno walaalaheenna ku dagaallamay halkaan, dhiig dambe inuu daato raali kama nihin, waxaan u baahannahay in laga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida, ciidamada dowladda iyo kuwa dowlad goboleedka gobollada dhexe waxay halkaan joogayaan illaa xasilooni la helo” ayuu yiri Cali Baashi.

Gelinkii dambe ee shalay waxaa deegaanka Banyaaley ee gobolka Hiiraan gaaray ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo kuwo Ahlu-sunna ah, waxaana ay halkaasi u tageen sidii ay u kala dhexgali lahaayeen beelihii dagaallamay.

In ka badan 20 ruux ayaa ku geeriyootey dagaal Todobaadkii tagay ka dhacay deegaanka Banyaaley, wuxuuna dagaalkaasi u dhaxeeyay beello halkaasi wada deggan balse kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Galgaduud.

Goobjoog News