U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Isku Fidisay Deegaanno Hor Leh Kana Tirsan Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka Goobjoog News ay ka helayso gobalka Galgaduud ayaa ku waramaaya in ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca ay isku fidiyeen deegaanno ka mid ah gobalka Galgaduud, ka dib markii dhawaan ay la wareegeen degmada Dhuusamareeb.

Ciidamadaan ayaa maanta la sheegay in ay gaareen deegaanno ka mid ah Xanan-buuro iyo Mareer-gur, halkaasi oo fariisin ay ku lahaayeen ciidamada dowladda Federaalka ah.

Deegaanka Mareer-gur waxaa ka dhacay israsaaseyn u dhaxeysay ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-sunna, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee Israsaaseyntaasi ka dhashay.

Afhayeenka Ahlu-sunna ayaa mar uu la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in qorshahooda yahay in ay dib usoo celiyaan dhammaan deegaanadii ay maamuli jireen.

Axadii Todobaadkaan, taariikhduna ahayd 7-dii June ayaa ciidamo ka tirsan Ahlu-sunna waxa ay dagaal ku qabsadeen degmada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.

Wasaaradda arimaha gudaha ayaa si kulul u cambaareysay weerarkaasi, sheegtayna in uu yahay mid xad gudub ah, kana jawaabi doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Goobjoog News