U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Madaxweyne Farmaajo Ugu Baaqday Dhismaha Dowlad Awood Leh

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna ee gobollada dhexe ayaa ugu baaqday madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, inuu soo dhiso dowlad xooggan oo wax ka qabata marxaladda uu dalka iminka ku sugan yahay.

Hoggaamiyaha maamulkaasi Sheekh Maxamed Shaakir oo ku sugan magaalada Muqdisho, kana qeybgalaya caleema saarka madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo laga sugayo waxqabad dhab ah.

“Waxaan maanta u joognaa ka qeybgalka caleema saarka madaxweyne Farmaajo, waxaan ka rajeyneynaa madaxweynaha inuu sida loo doortay usoo doorto Ra’iisul wasaare daacad ah oo dadka iyo dalka wax u qabta” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa si kamadax bannaan Galmudug waxaa loogu casuumay ka qeybgalka munaasabadda caleema saarka madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Goobjoog News