U bood dhigaalka

Ahlu-sunna oo Meel Uga Dhacday Heshiiska Saammiga Ay Ku Leeyihiin Beelaha Galmudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Al-sunna Wel-Jamaaca ee ka jira dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta beesha caalamka u gudbiyey ilaa 20 xildhibaan oo ay ku leeyihiin Galmudugta cusub iyaga oo meel uga dhacay, iskana indhotiray heshiis lagula galay saammiga ay ku leeyihiin beelaha halkaasi dega marka la joogo xulista wakiillada baarlamaanka.

Kooxda Suufiyada ah ayaa xildhibaannada beelaha uga qaatay sidan: Saleebaan: 2, Mareexaan: 4,  Duduble: 1, Ceyr: 5,  Murusade: 1,   Sacad: 2,  Shiikhaal: 1,  iyo  Dir:3.

Sida uu ahaa Heshiiska Ahlu Sunna iyo Dowladda: sida ay guddiga doorashada Galmudug u xaqiijiyeen Goobjoog News waxaa jiro heshiis lala galay Ahlu sunna oo dhigaya sidan:

1. Beesha leh wax ka yar 8 xildhibaan waxaa ay ka heli karaan Hal Xildhibaan.

2. Haddii beesha leedahay 8 xildhibaan waxaa ay Ahlu sunna ka heli karaan labo Xildhibaan.

3. Beeshii leh 12 xildhibaan, waxaa ay ku soo qoran karaan labo xildhibaan.

4. Halka beesha leh 15 xildhibaan ay ka qaadan karaan ilaa saddex xildhibaan.

Xad-gudubka Ahlu sunna ee Heshiiska Beelaha: Tusaale ahaan, Beesha Sacad oo Galmudug ku leh 6 xildhibaan waxaa ay Ahlu sunna ka qaadatay labo xildhibaan halka heshiiska uu dhigayo beesha 8 xildhibaan ka yar iney hal xildhibaan ka qaataan. Beesha Saleebaan oo leh 7 xildhibaan oo laga rabay iney ka qaataan sidoo kale hal xildhibaan keliya waxaa ay ka qaateen 2 xildhibaan halka beesha Ceyr oo leh 6 xildhibaan ay ka qaateen  5 xildhibaan, Mareexaan waxaa uu leeyahay 16 xildhibaan waxaa laga rabay iney qaataan 3 xildhibaan halka ay ku soo qorteen 4, Murusade oo 12 xildhibaan Galmudug ku leh waxaa ay ka qaateen hal xildhibaan.

Dhanka kale,  Ahlu-sunna wax xildhibaan kama qaadan beesha  5-aad, Abgaal, Xuskul Hawiye iyo wadalaan.

Ilaa hadda kama falcelin beelaha Galamudug, lamana oga sida ay ugu qanacsanyihiin xulista ay Al-sunna sameysay ee xulista xildhibaannada.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News