U bood dhigaalka

Ahlu Sunna oo Qaadacday Doorashada Galmudug.

Sheeko:Dalka

Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa maanta ka soo horjeetay gabi ahaan doorashada dhismaha lagu dhameystiraayo dowlad gobaleedka Galmudug, iyada oo dowladda federaalka ah ku eedeeyey jabinta heshiiskii labada djinac ay wada gaareen qeybna looga dhigay dhismaha.

Bayaan ka soo baxay Ahlusunna ayaa sheegay in dowladda federalka meerisay maqaamkii odayaasha dhaqanka oo ayagu ahaa kuwii loogu talo galay in ay soo xulaan Xildhibaanada, waxaana ay sheegeen in dowladdu ayadu soo xushay Xildhibaannada taasna ka hor imaaneyso heshiiskii labada dhinac horay u wada sixiixeen.

Gabangabada qoraalka ayaa lagu sheegay in Ahlusunna ay baaq u direyso beesha caalamka iyo iney gabi ahaana ay iskaga baxday dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug oo hadda maraayo heer gaban gabo ah dhawaanna lagu wado in magaalada Dhuusamreeb lagu doorto Madaxweynaha iyo ku –xigeenkiisa.

 

Halkaan Ka Akhriso Bayaanka:

 

Goojoog News