U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Ciidankeeda Ku Biirinaysa Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna waljameeca ee gobalada Koonfureed ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan isku dhaf lagu sameeyo ciidamadooda iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee maamulkaasi Sheekh Isaaq Xuseen Mursal oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in qorshaha ciidankaan la’isugu dhafayo ay tahay mid wanaagsan, ka maamul ahaanna ay soo dhaweynayaan.

Waxa uu sheegay in tani ay muujin doonto dowladnimada rasmiga ah iyo in la helo ciidamo mid ah oo u istaaga difaaca dalka iyo diinta.

Sidoo kale xoghayaha Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalada Koonfureed ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ciidankooda ay ku biiriyaan dowladda Federaalka si ay u helaan tababaro dheeraad ah iyo mushaar joogto ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado qorshe ballaaran oo la’isugu dhafayo ciidamada si loo helo ciidamo qaran oo mid ah.

Goobjoog News