U bood dhigaalka

Ahlu Sunna Oo Soo Dhistay Baarlamaan Cusub

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, ayaa ku waramaya in maanta ururka Ahlu sunna ay magaaladaasi kaga dhawaaqeen xildhibaano cusub oo Galmudug ay yeelan doonto.

Xildhibaanadaan oo ay soo xuleen hoggaanka sare ee Ahlu sunna, ayaa tira ahaan gaaraya 69-xildhibaan, iyaga oo isla maanta doortay gudoomiye ku meel gaara oo sii hagi doona baarlamaankooda.

Ururka Ahlu sunna waxa ay sheegen in 69-kaan xildhibaan oo lagu daray 20-kii ay horay ugu gudbiyeen guddiga maamul dhisidda Galmudug ay noqon doonaan xildhibaanada cusub ee soo dooran doona madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.

Warar hoose oo aan ka helnay magaalada Dhuusamreeb, ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanadii 20-ka ahaa ee matalayay ururka Ahlu sunna ay diideen in ay ka qeyb galaan fadhi ay maanta yeelanayeen xildhibaanada cusub oo ay soo xuleen hoggaanka sare ee Ahlu sunna.

Jahwareer kale ay lugaha la sii galaysa Galmudug, iyada oo dowladduna ay ku fashilantay qancinta saamileyda siyaasadeed ee Galmudug.

 

Goobjoog News