U bood dhigaalka

Ahlu Sunna Oo War Cusub Soo Saartay, Baaqna U Dirtay Beesha Caalamka

Sheeko:Dalka

Ururuka ahlu sunna oo looga adkaaday siyaasadda maamulka Galmuduga yaa maanta waxa ay soo saareen war cusub oo ay kaga hadlayaan xaaladihii ay soo mareen muddooyinkii dambe oo dagaal uu ku qabsaday hoygii ay Dhuusamareeb ka daganayeen.

Warqadda ka soo baxday Ahlu sunna ayaa waxaa ku saxiixnaa Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo mar sheegatay in uu yahay madaxweynaha Galmudug, waxa ayna sheegeen dowladda federaalka ah ay masuul ka ahayd dagaalkii caasimadda Galmudug ka dhacay oo ay sheegeen in weerar ay ku soo qaadeen ciidamada ay soo tababareen dowladaha Mareykanka iyo Turkiga.

Dhinaca kale Ahlu sunna ayaa beesha caalamka waxa ay ugu baaqday in aysan indhaha ka fiirsan xadgudubka dowladda federaalka ah ay ku hayso gobolada dalka sida ay sheegeen.

Madaxda ugu sareysa Ahlu sunna ayaa waxaa la tilmaamayaa in ay ku suganyihiin magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Halkan ka akhriso warka ka soo baxaya Ahlu sunna

Goobjoog News