U bood dhigaalka

Ahlu-sunna “Shaqo Kuma Lihin Wixii Shalay Ka Dhacay Cadaado”

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalada Dhexe ayaa kahor yimid doorashadii shalay lagu qabtay magaalada Cadaado ee lagu dooranayay gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo ku xigeenadiisa.

Gudoomiyaha Golaha talada Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in doorashadaasi ay ahayd mid nasiib darro ah, islamarkaana aan loo dhameyn waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wax nasiib darro ah waayay, waxaan u aragnaa doorashadaasi inay tahay Luggooyo dadka loo geysanayo, aduunka oo dhan ayaan u sheegnay, shirka Cadaado wixii kasoo baxay anaga shaqo kuma lihin” ayuu yiri Sheekh Cumar.

Dhinaca kale gudoomiyaha waxa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay afduubtay shirkaasi, islamarkaana ay la wareegeen xuquuqdii ay dadka u lahaayeen shirkaasi.

“Dowladda dalka maamusha ayaa marin habaabisay shirka, iyada ayaa afduubatay, anaga lama shaqeyn doonno maamulkaasi halkaasi lagu sameynayo, Xubin ka mid ah Ahlu-sunna Shirkaasi kuma jirto, waana wax aan diidannahay in masiirkii umadda dad gaar ah ay maamulaan” ayuu hadalkiisa raaciyay gudoomiyaha golaha Talada Ahlu-sunna Waljameeca.

Sidoo kale mas’uulkaan ayaa kasoo horjeestay in beel beel loo qeybsado maamulka Galmudug, waxaana uu tilmaamay in iyaga ay ka madax banaanyihiin arimahaasi ayna doonayaan in dalka iyo dadka ay wax ku qeybsadaan qaab cadaalad ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News