U bood dhigaalka

Ahlu-sunna “Shirka Maanta Ka Furmaya Muqdisho Shaqo Kuma Lihin”

Sheeko:Dalka

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo hogaamiye u ah maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmooyinka Dhuusamareeb Iyo Guriceel ayaa sheegay in shirka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho aanay wax shaqo ah ku lahayn ka Ahlu-sunna ahaa.

Waxa uu sheegay Sheekh in aysan jirin wax tixgelin ah oo aan laga siin ka maamul ahaan, islamarkaana wixii soo baxa aanay iyagu qeyb ka ahayn.

“Waxaan halkaan ka cadeyneynayaa maamulkeena ku yimid rabitaanka shacabka gobalada dhexe, in aan wax qeyb ah ka ahayn shirka Muqdisho ka furmaya, maadaama aanay jirin wax talo, tixgelin aan ku lahayn, waxaan u sheegaynaa shacabkeena inaan ku hageyno wax ay hubaan” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Sidoo kale hogaamiyahan ayaa sheegay in beesha caalamka ay u sheegayaan in marnaba aanay iyagu shaqo ku lahayn shirkaasi, islamarkaana aan lagu kadsoomin shirka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maanta ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Madasha wadatashiga Doorashooyinka Qaranka ee Sanadka 2016-ka.

Shirkani waxaa ka qeybgalaya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Goobjoog News