U bood dhigaalka

Ahlu-sunna: Waxaan Haynaa Gaari Qaraxyo Saarnaa Iyo Shaqsigii Farsameyn Lahaa

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobollada dhexe ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo shaqsi ay sheegeen inuu ahaa farsamo yaqaan qaraxyada ah.

C/nuur Maxamed Xuseen, afhayeenka ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in gaarigan qaraxyada siday lasoo marsiiyay dhanka deegaannada xeebta ah, ulajeedkiisuna ahaa in la geeyo degmada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in sidoo kale ay soo qabteen 5 ruux kale oo iyaguna lala xiriirnayo iney wax ka ogaayeen gaarigan siday walxaha qarxa waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Qaraxan waxa uu ahaa mid aad u weyn, waxaa la doonayey in lasoo kala farsameeyo, deegaannadeenna iney ku diyaariyaan waa ay ka baqayeen, waxay ku wajahnaayeen dhanka degmada Cadaado, waxaana qabannay farsamo yaqaankii qaraxan isku rakibi lahaa, waxaan soo qabannay 5 ruux kale oo howshaan wax ka waday, waxaan illaa hadda wadnaa baaritaan” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale afhayeenka ciidamada Ahlu-sunna oo hadalkiisa sii watey ayaa sheegay in gaarigan siday walxaha qarxa iyo mid dhowaan ay ciidamada NISA qabteen ay Hal meel ku wajahnaayeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay iney la hadleen maamulka Galmudug, si loogu soo wareejiyo dadkii ay u qabteen iyo walhaxa qarxa si la isku waafajiyo.

“Cadaado waan la hadalnay, waxaan ka codsannay iney nagu soo wareejiyaan gaari iyo rag la socday oo qaraxyo waday, walxaha qarxa ay qabteen intii ugu muhiimsaneyd annaga ayaa qabannay, marka si aan isku waafajinno ayaan ka dalbannay iney nagu soo wareejiyaan” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka.

18-kii bishan ciidamada NISA ayaa gobolka Galgaduud ku qabtay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo sidoo kale rag la socday.

Goobjoog News