U bood dhigaalka

Ahlu Sunnada Koonfureed oo Mar Kale Sheegtey In aysan Ogoleyn isku Dhafka Ciidamada (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

ciidamada ahlu sunaSarkaal Ahlu Suna u qaabilsan dhinaca Gaashaandhiga Sheekh Isaaq Xasan Mursal ayaa sheegay in Dowladda  marar badan ay ku balameen arintaasi hase ahaatee wali muuqan.

Waxa uu ku dhaliilay Dowladda in dhankeeda uu ka socon la’ yahay Heshiiskaasi oo ka dhacay mudo todobo bilood ka hor Magaalada Garbaharay ee Gobolka GEDO.

Ibraahin Haaji Yuusuf oo Goobjoog FM ka tirsan ayaa la kulmay Sarkaalkan oo ugu horeyn waydiiyay sida uu u arko qorshaha Dowlada ay ku qaramaynayso Ciidamada ku sugan Gobolada Dalka.

Isaga oo si toos ah oga jawaabayay hadalkii madaxweynaha dhawaan kasoo baxay ee ahaa in ciidamada la’isku dhafo ayuu mas’uulkani sheegey in marnaba aysan ogolaan doonin in ciidamada la’isku dhafo illaa dowladda federaalka ay kasoo dhalaaleyso heshiiskii horey loo galay, waxaana qodobada heshiiska ka mid ahaa in dowladda ay bixiso deymo lagu leeyahay Ahlu Sunna oo ay gashay xiligii dagaalka ay ku jirtey.

Waxa uu intaasi ku daray in dowladda ay rabto in si fudud ay kula wareegto ciidamada, balse aysan iyagu taasi ka yeeli doonin, wuxuu xusey in ay doonayaan wixii xaqooda ah in loo ogolaado.

“Dowladda anaga ma diidanin, waa dowladeenii, laakiin waa in laga helaa xuquuqdii ciidamada” ayuu yiri Sheekh Isaaq.

Mar wax laga weeydiiyey dagaalada ay ku jiraan ayuu sheegey in dagaalada ay wali halkoodii kasii wadaan, ciidamada kusoo biirayana ay badanyihiin.

Dhawaan ayay ahayd markii afayeenka Ahlu Sunna Koonfureed Sheekh Al-qaadi uu sheegey in aysan marnaba aqbalaynin qorshaha madaxweynaha ee ah in ciidamada la’isku dhafo.

Dhageyso

Goobjoog News