U bood dhigaalka

Ahlu Sunnah iyo Ximan & Xeeb oo ka soo hor jeestay maamul dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday

Sheeko:War

Kadib markii maanta madaxtooyada dowladda federaalka Soomaaliya lagu saxiixay maamul lagu mideynayo gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa durba so baxaya dhinacyo ka soo hor jestay maamulkan.

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka mid ah maamul goboleedyada ka dhisan bartamaha Soomaaliya iyo ururka Ahlu sunnah waljamaaca oo maamulka inta badan gobolka galgaduud ayaa ku gacan seeray kulanka manta ka dhacay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Baarleex ayaa sheegay in maamulkooda uusan ku jirin dhinacyada heshiiska ku garayu Muqdisho, halka Ahlu sunnah Waljamaaca uu u hadlay hogaamiyahooda Macalin Maxamuud Sheekh Xasan faarax, waxa uuna sheegay in aysan raali ka ahayn sida dowladdu u wado maamulkaas.

Xarunta Villa Soomaaliya waxaa maanta ku sugnaa wufuud ka kala socotay qaramada midoobey, midowga Yurub, midowga Afrika, maamulka Galmudug iyo ururka Ahlu sunnah waljamaaca.

Maamulkan lagu mideynayo gobollada dhexe ayaa ka koobnaan doona gobollada Galgaduud iyo koofurta magaalada Gaalkacyo.