U bood dhigaalka

Ahlusunna oo War Cusub ka Soo Saartay Galmudug

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug garabka Ahlusunna Weljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa war cusub ka soo saaray goorta uu soo dhisi doono  golihiisa wasiiirada cusub ee Galmudug.

War-saxaafadeed  maanta uu soo saaray Madaxweynaha  ayuu  ugu baaqay golihii hore wasiirada Galmudug uu soo magacabay mudo xilkoodana dhamaaday in shaqadooda ay siiwataan inta uu ka soo magacaabayo wasiirada cusub.

Sidoo kale Madaxweyne Sheekh shaakir ayaa bulshjada ku nool dowlad gobaleedka Galmudug ka dalbaday in ay la shaqeeyaan golaha wasiirada cusub  waxaana uu intaas uu ku daray in qabanqada caleemasaarka madaxweynaha dhawaan la qaban doono.

Dhanka warsaxaafadeedka ka soo baxay  Madaxweyne Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dowladda federaalka loogu baaqay in dhaqaalaha loogu talo galay bulshada dowlad gobaleedka Galmudug aysan u isticmaalin danaheeda gaarka ah .

Ugu dambeyn warsaxaafadeedaka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo magaalada Dhuusamareeb ay kuwada sugan yihiin labo Madaxweyne oo Galmudug siyaabo kala duwan loogu doortay dhawaana mid waliba gooni  loo caleema saari doono ayadoona ay xusid mudan tahay in Axmed Ducaale Geele Xaafna lagu doortay magaalada  Gaalkacyo laguna caleema saarayo, mana muuqdo tanaasul iyo isku soo dhawaasho siyaasadaha isdiidan ee Galmudug.

Halkaan Ka Akhriso

 

Goobjoog News