U bood dhigaalka

Ahlusunna Waljamaaca oo isku khilaafsan maamul u sameynta gobolada dhexe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobollada dhexe ee dalka ayaa sheegay in ay maamulka Ahlusunna Waljamaaca kala hadlayaan khilaafka soo kala dhex galay ee ku aadan dhismaha maamulka lagu mideynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Afhayeenka guddigan Sheekh Cumar Cali Rooble oo ku sugan degmada Cadaado ayaa u sheegay Goobjoog FM in ay wax ka ogaanayaan khilaafka soo kala dhex galay maamulka Ahlusunna ee gobolada dhexe.

Waxa uu tilmaamay in meel walba oo ka mid ah gobolada Mudug iyo Galgaduud uu tagi doono guddigan oo uu ku tilmamay in ay xal buuxa u raadinayaan khilaafaadka ka dhex taagan qaar ka mid ah beelaha wada dega labada gobol isaga oo shaaciyay in maamulka Ahlusunna ay ku bilaabayaan kulanka maanta lagu wado in uu ka dhoco degmada Cadaado.

Hoos ka dhageyso codka Sheekh Cumar Cali Rooble: