U bood dhigaalka

Ahmet Davutoğlu oo qabanaya Xilka Ra’isul Wasaaraha Dalka Turkiga

Sheeko:Caalamka

Xisbiga talada haya ee dalka Turkiga ayaa Khamiista si aqlabiyad ah ku doortay in Ahmed Davuoglu noqdo Ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Turkiga iyo Hogaamiyaha cusub ee Xisbiga Justice and Development Party (AKP).

Oglu ayaa badalaya  Ra’isul Wasaaraha dalkaasi  Recep Tayyip Erdogan oo ku guuleystay Madaxweynimada Dalka Turkiga, Erdogan ayaa lagu wadaa inuu xilka si rasmi ah ula wareego todobaadka soo socda.

Daud Ogle ayaa ahaa garabka midig ee Erdogan iyo latiliyahiisa gaar ah ilaamarkii dambe uuka dhigay Wasiirka arimaha dibadda dalkaasii sanadkii 2009-kii.

Daud Oglu ayaa markii ugu horeysay soo booqday Soomaaliya, NOVEMBER 14, 2012, waxaa uu sidoo kale hogaaminayey Shirarkii dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Somaliland oo ka dhacay Ingiriiska iyo Turkiga.

Davutoglu ayaa ku dhashay Istanbul, Heerka Jaamacadeed ayuu ka gaaray ilaa PhD, isagoo bartay Dhaqaalaha , Siyaasadda iyo Xiriirka caalamiga, waxaa sidoo kale Dhiin ka noqday qeybta xiriirka caalamiga ee Jaamacadda Beykent University ee magaalada Istanbul.