U bood dhigaalka

Air Djibuti Oo Ka Shaqo Bilowday Muqdishu

Sheeko:Dalka

Shirkadda Duulimaadka hawada ee Air Djibuuti ayaa maanta duulimaadkii ugu horreeyey ka bilowada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyadoo si rasmi ah hada ka dib isaga kala gooshi doonto Muqdisho iyo Djibuuti si toos ah.

Waxaa la daah furay safarkii ugu horreyey ee diyaaradda kadib  munaasabad ay ka soo qeyb-galeen mas,uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo safiirka  Jamhuuriyadda Djabuuti u fadhiya Soomaaliya mudane Aadan Xasan Aadan kaasoo daahfuray munaasabadda.

Safiirkaa Djabuuti ufadhiya Soomaaliya mudane Adan ayaa waxa uu sheegay shirkadda duulimaadka AirDjibuuti in aysan ahayn shirkad cusub balse ay tahay ayuu yiri shirkad qadiimi ah oo shaqeyneysay tan iyo sanadkii 1963 isagoo intaa raaciyay  in muhiimad gaar ah ay leedahay inay maanta ka bilowday duulimaadkeeda wadanka Soomaaliya.

 Safiirka oo arntaasi ka hadlaayo waxa uu yiri

“Arintaani ayaa waxay dabo socotaa  oo ay qeybweyn ka tahy siyaasadda dowladda Djibuuti dib u dhiska iyo nabadeenta  dhiira galinta ganacsiga  iyo dajinta wadanka Soomaaliya.”

Safiirka oo sii hadlayey waxaa uu sheegay in Howshaan ay bilowday Air Djibuuti ay dhiiro gelin u noqoneyso shirkadaha kale ee ganacsiga taas oo muujineyso in Soomaaliya ay nabab tahy ganacsi iyo horumar ballaaran uu ka jiro

Air Djabuuti ayaa waxay horay ay duulimaadkeeda uga bilowaday magaalooyin ay ka mid yihiin Haegeisa, Boosaaso, Barbaro maantana waxay si toos ah Uga bilowdahy magaalada muqdisho ee caasimadda dalka.