U bood dhigaalka

Ajaanib Afduub Loogu Heystay Gobolka Mudug Oo Gaalkacyo Maanta Laga Dhoofiyay

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta laga dhoofiyay shaqaale ajnabi ah oo muddo qaab afduub ahaan ah loogu heystay dhulka miyiga ah ee gobolka Mudug.

Ajaanibtani oo afduub ahaan loogu heystay Mudug waxaa ay tiradooda gaaraysa illaa 26 oo isugu jira dhowr dal sida Tanzaaniya, Teywaan, Shiinaha iyo kuwa kale oo u badan qaaradda Aasiya.

Garoonka diyaaradaha Oshaako ee magaalada Gaalkacyo ayaa laga dhoofiyay waxaana lagu wareejiyay saraakiil ka tirsan Qaramada Madoobe.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in lacag madax furasho ah laga qaatay ajaanibtani waxaana loo dhoofiyay magaalada Nairobi halkaasoo ay kaga sii gudbi doonaan wadamada ay u dhasheen.

Lacag madax furasho ah ayay qaateen burcad hubeysan oo ay ajaanibtaan u xirxirnaayeen waxaana muuqaal ahaan ay u ekaayeen dad uu ka muuqdo diihaal aad xun.

Gobolka Mudug ayaa kamid ah meelaha inta badan lagu qafaasho ajaanibta shaqaalaha ah waxaana shaqaalahani ay ka shaqeynayeen Markab sida la soo sheegayo.

Goobjoog News