U bood dhigaalka

Akhriso: Ajendaha Horyaallo Baarlamaanka Federaalka Ah-Kulankiisa Koobaad Ee Wadajirka Ah

Sheeko:Dalka

Waxaa ay maalmo uun naga xigaan in uu furmo kalfadhiga 1aad ee baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, kulanka ugu horeeya waa mid taariikhi ah, waxaa uu noqonayaa markii ugu horeysay ee Soomaaliya oo labo aqal leh ay kulmaan, weliba si wadajir ah, 329 Xildhibaan  oo aqalka hoose iyo aqalka sare ku jira ayaa goobta fariisan doona.

Hadaba, Maxaa dhacaya kulankaas? Yaa shir guddoominaya, sidee Xildhibaannada loo dhaarinayaa? halkan ka akhriso wax walbo oo kulankaas ka dhacaya:

Jawaari: Kulanka Wadajirka ugu horreeya ay yeelanayaan golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka waxaa furaya guddoomiyihii baarlamaanka 9aad  ee Soomaaliya oo xilheynta ka dagaya.

Xisbi Siyaasadeed: Xildhibaannada inta aan la dhaarin, waa in ay saxiixaan warqad caddeyn ah oo qeexeysa in uu ka mid noqdo xisbi siyaasadeed labo sano gudahood ama uu isaga dhisto xibsi si waafaqsan qormada madasha hoggaanka qaran.

Dhaarta Xildhibaannada: Xildhibaan kasta waxaa uu ku dhaaranayaa: Anigoo ah………..Waxaa ku dhaaranayaa: Magaca ilaaheyn inaan xilkeyga u gudanayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diinta ku jirto, dhowrana dastuurka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

Yaa Dhaarinaya: Xildhibaannada waxaa dhaarinaya Sheekh/Imaam uu soo magacaabo xogheyaha guud ee baarlamaanka.

Xogheyaha  Guud Ee Baaralamaanka: Dhaarta kadib, Xogheyaha waxaa uu ku dhawaaqayaa magaca labada Xildhibaan ee ugu da’da weyn labada aqal.

Shir Guddoon KMG: Shir guddoonka KMG ah ee gobolaha shacabka iyo shir guddoonka KMG ah ee aqalka sare ayaa la wareegaya kulanka wadajirka ah ee labada aqal.

Shir guddomiyeyaasha  KMG ah waxaa ay ku dhawaaqayaan in uu furan yahay xilliga doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada golaha shacabka iyo guddoomiyaha iyo ku xigeennada aqalka sare.

Kulanka Xiga: Shir guddoomiye kasta wuxuu Xildhibaannada ku wargelinayaa taariikhda iyo saacadaha kulanka xiga uu aqal weliba goonidiisa u yeelanayo.

Guddmiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka: Intaa kadib guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka ayaa xiraya kulanka koobaad ee wadajirka ah labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Markii kulanka wadajirka ah la xiro, golaha shacabka ah iyo aqalka sare midba goonidiisa ayuu kulamadiisa u qabsanayaa si muddo (7) maalmood shaqo gudahood uu aqalka walba ku soo doorto guddoomiyahooda iyo guddoomiye ku xigeenkooda.

W/Q: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye,

Goobjoog News