U bood dhigaalka

Ajendaha Shirka Midowga Afrika:  Aamusinta Qoryaha

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Adis Ababa, ee xarunta Itoobiya iyo midowga Afrika si rasmi ah uga furmaya shir madaxeedka midowga Afrika ee 33-aad, oo halku dheggiisu yahay sanadkan “Aamusinta qoryaha”.

Shirkan oo labo maalin socon-doona ayaa sidoo kale xoogga lagu saari-doonnaa horumarka iyo hiigsiga Afrika ee 2063 sida nabadda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Dhankeeda, dalka Shiinaha ayaa sheegay inuu maalgelinayo mashruuc lagu maareeyo cudurada oo ku kacaya ilaa  80 million dollar, waxaa xarun u noqon-doonta Itoobiya, arrintaas oo ay Mareykanku diidan yihiin.

Waxaa jira shirar doceedyo muhiim ah oo looga hadli-doono arrimaha haweenka, warbixinnada ajendaha Afrika ee Agenda 2063, dhibaatooyinka ka jira magaalooyinka Afrika, Afrika iney ka faa’ideysato tamarta, cunto yariyda iyo arrimo kale.

Ugu dameyntii, waxaa la filayaa in shirka uu ka soo baxo war-murtiyeedka iyo waxyaabaha ay tahay in Afrika ay xoogga saarto 2020.

Goobjoog News