U bood dhigaalka

Ajendayaasha Shir Madaxeedka Midowga Afrika iyo Xasan Sheekh oo Ka Qeyb galaya

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta xarunta midowga Afrika ee Adis Ababa ka  furmaya shir madaxdeedka 26-naad ee Midowga Afrika, shirkan oo labo maalmood socon doona waxaa ajendayaashiisa ka mid ah: in sanadkan loogu Magac daray sanadkii Afrika ee Xuquuqda Aadanaha gaar ahaan Haweenka, Nabadda iyo nabadgalyada xubnaha ururka ayaa looga hadli doonaa, waxaa furintaanka ka hadli doona H.E. Mr. Macky Sall, Madaxweynaha Senegal, H.E. Dr. Ernest Bai Koroma, Madaxweynaha  Sierra Leone, H.E. Mr. Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya, H.E. Mrs. Ellen Johnson Sirleaf, Madaxweynaha  Liberia, H.E. Mr. Abdel Fattah El Sisi, Madaxweynaha Masar, iyo sidoo kale  H.E Mr. Paul Kagame, Madaxweynaha Rwanda.

Ajendayaasha Maalinta ugu horeysa waxaa ugu muhiimsan Khasaaraha soo gaaro Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika, Waxaa kaloo Ajedayaasha ugu waaweyn Brundi, Koofurta Suudaan iyo waxa loogu yeero Argigixisada.

@DlaminiZuma oo ah guddoomiyaha ururka ayaa sheegtay in ay waddo walbo u qaadi doonaan in ay joojiyaan dhibaatada ka jirta Koofurta Suudaan

Guddoomiyaha waxaa ay sidoo kale soo qaadatay in golaha Nabadda iyo Securitiga Afrika uu caawin doona Burundi, shacab iyo dowlad ahaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika, waxaa lagu wadaa in uu madaxda halkaasi joogta kala hadlo arrimaha dalka iyo nabad galyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta shirkan uu socdo waxaa uu shir guddoomin doonaa shir ay isugu imaanayaan madaxda Bariga Afrika ee ku jira Taliska Ciidammada Gaarka ee Bariga Afrika. Shirkan ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xasaradda ka aloosan dalka Burundi iyo sidii dalkaasi ciidammo nabad ilaalin ah loogu diri lahaa.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona madaxda ka qeybgaleysa Shir Madaxeedka Midowga Afrika, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi , Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo madax kale.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya 54-ta dowladood ee xubnaha ka ah ururka, iyadoo wasiirada arrimaha dibedda ee dalalkan ay horay u yeesheen kulamo ay ku diyaarinayaan ajendaha shirka.

Goobjoog News