U bood dhigaalka

Ajendeyaasha Shirweynaha 71-aad ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta magaalada New York ka furmaya  Shirweynaha 71-aad ee Jimciyadda Qaramada Midoobey, waa shirkii ugu dambeysay madaxweyneyaal badan oo caalamka ah sida Brack Obama iyo xitaa xogheyaha guud ee qaramada midoobey Ban Ki-moon.

In ka badan 140 Madaxweyne iyo madaxda kale oo caalamka ah ayaa ka qeybgalaya kulanka iyaggoo xoogga saari doona: ka hortagga xagjirnimmada, xallinta dhibaatada qaxootiga, nabadda bariga dhexe, arrimaha faqriga, cuduradda, baahida iyo xitaa khatarta hubka wax gummaada ayaa ka mid ah waxyaabaha xoogga lagu saari doono.

Waxyaabaha sida aadka ah looga hadli doono waxaa ka mid ah:

Sustainable Development Goals: Hiigsiga qaramada midoobey waxaa laga hadlay sanadkii hore, waxaana lagu wadaa in mar kale madaxda caalamka ay arrinkan xoogga saaraan, iyagoo ka hadli doona sidii dalalkooda looga arkay Hiigsigan cusub.

Isbadalka Cimmilada(Climate Change): Dhibaatooyinka caalamka waxaa ka mid ah isbadalka cimmilada, arrintan oo waxaa xoogga saari doonaan heshiiskii Paris ee isbadalka cimmilada, waxaa la sheegayaa in dowlado kale la rabo in ay heshiiskan ku soo biiraan.
Dib u Habeynta Golaha Ammaanka: Waxaa socda dadaallada loogu jiro dib u habeynta golaha ammaank, golahan oo hadda ka kooban 5 joogta ah iyo 10 mar walbo isbadasha ayaa la sheegayaa in loo baahan yahay in wax laga badalo gaar ahaa codka diidmada qayaxan.
Dagaalka Syria: Dagaalka Suuriya waa dhibaato kale oo hareyn doonta shirka jimciyadda qaramaha ka dhaxeysa, heshiiska ay gaareen Mareykanka iyo Ruushka eek u aadan arrinkan ayaa la sheegaa in ay tahay dalalka kale oo xulafada ah iyo caalamkaba lagala hadlo, Suuriya waxaa dhibaato ku jirtaa tan iyo sanadkii 2011-kii.
Xagjirka iyo Argigixisada: Xagjirnimada iyo in madaxda caalamka ka hadlaan sababaha keena iyo sida looga hortagi karo waxaa ay ka mid tahay ajendayaasha shirka jimciyadda qarumaha ka dhaxeysa.
Caafimaadka: waxyaabaha sanadkan laga hadli doono waxaa ka mid ah caafimaadka iyo in la helo duni caafimaad qabta.

Talaadada:  20 September-26 September, Madaxda adduunka waxaa ay ka hadli doonaan Sustainable Development Goals (SDGs)

Arbacada: 21 September, Arbacada  21 September, golaha waxaa uu ka hadlaa arrimaha caafimaadka.

Isla maalintaas Xogheyaha qaramada midoobey waxaa xoogga saari doonaa heshiiskii Paris ee isbadalka cimmilada iyo sida dalal kale loogu soo dari lahaa.

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa waxaa ay ka mid tahay lixda hay’adood ee ka koobad tahay Qaramada Midoobey, waxaa ay mas’uul ka tahay dajinta Siyaasadaha guud ee Caalamka, waa meesha looga codeeyo arimaha muhiimka sida Codeynta arimaha Amaanka, Nabadda,

 

Hay’adda Qaramada Midoobay( United Nation):

Waa Urur Dowli ah oo shaqadiisu tahay fududeynta sharciyadda caalamiga, arimaha Amaanka, Dhaqaalaha, Bulshada iyo Xuquuqu insaanka.

ururkan waxaa la Aas-aasay 24-October 1945-tii magaalada Sanfarancisco ee dalka Mareykanka kadib markii ay bur-burtay ururkii ka horeeyay ee League of Nations kasoo wax ka qaban waayey dagaalkii Labaad ee Aduunka.

Xarunta ugu weyn ururka Qaramada Midoobay waxay ku taalaa New York, Maxkamadda Cadaaladda Waxay ku Taal Hague iyadoo Xarumo kale ku leh Magaalooyinka Geneva, Vienna iyo Nairobi,

Golaha Amaanka waa hay’adda ugu sareysa Qaramada Midoobay, waa Gole awood u leh fara-galinta Khilaafaadka iyo Xalintooda.

Dhanka Siyaasadda Waxaa Hay’adaheeda ka mid ah: Jimciyadda Qurumaha,  Golaha amaanka iyo Goloyaal kale.

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa waxaa ay ka mid tahay lixda hay’adood ee ka koobad tahay Qaramada Midoobey, waxaa ay mas’uul ka tahay dajinta Siyaasadaha guud ee Caalamka, waa meesha looga codeeyo arimaha muhiimka sida Codeynta arimaha Amaanka, Nabadda,

Shaqooyinkeeda waxaa ka mid ah: Nabad ilaalinta, Xalinta Muranada, Meel Marinta Miisaaniyadda Qaramada Midoobey, doorashada xubnaha aan joogtada ayeyn ee Golaha Amaanka iyo xitaa Xogeyaha guud ee Qaramada Midoobey markii ay golaha amaanka soo jeediyaan.

Dowlad kasta waxaa ay leedahay hal cod marka laga reebo dowladaha aan bixin Ishtiraakaad ama Lacagaha Wadamada laga qaado, Hadda waxaa jiro 5 dal oo aan loo ogoleyn in ay cod ku yeeshaan Kalfadhigaan 70naad ee Qaramada Midoobey, shantaas dal oo ay Soomaaliya ku jirto waxaa au kala yihiin: Comoros, Guinea-Bissau, Sao Tome and Principe, Somalia, Yemen

Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Gaarka ah:

  1. Barnaamijka Cuntada Aduunka( World Food Programme)
  2. Barnaamijka Bay’ada( United Nation Enviroment Programme)
  3. Ururka Tarbiyada,Culuumka iyo Thaqaafada( United Nations Educational Scientific and Cultural Org)
  4. Hay’adda Qaxootiga Aduunka (United Nation High Commissioner for Refugees Goodwill).
  5. Hay’adda Caafimaada (World Health Org).
  6. Bankiga Aduunka( World Bank)

Iyo Ha’ado kale sida: International Civil Aviation-ka oo ah Ha’adda Duulimaad iyo International Monetary Fund …iyo hay’ado kale.

Luqadaha Rasmiga ee Qaramada Midoobay waa: Carabi, Ingiriis, Shiinaca, faransiiska, Ruushka iyo Spanish-ka

Goobjoog News