U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan AMISOM Oo Maanta In Ka Badan 10 Qof Ku Dishay Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha hoose ayaa ku waramaya in askar ka mid ah AMISOM ay dad shacab ah ku dileen magaaladaasi.

Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in saaka hore magaaladaasi laga maqlay qarax aan la ogeyn khasaaraha uu geystay, kaas oo lala eegtay ciidamada AMISOM, waxaana intaasi ka dib la sheegay in ciidamada AMISOM ay koreen dhul buuro ah oo duleedka magaalada xiga.

Qof ku sugan magaaladaasi ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada ay dadka meel shishe ka toogteen, waxaana dadka la dilay tiradooda lagu sheegay 10 qof, in kastoo khasaaraha dhimashada intaasi ay ka badan karto.

Dhinaca kale Gabar Aabaheeda saaka ay toogteen ciidamada AMISOM ayaa Goobjoog News u sheegtay in aabaheeda la dilay xilli dhanka beeraha uu kusii socday, ka dib markii meel fog ay kasoo toogteen ciidamadaasi waa sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda guud ee magaalada Marka waa mid aad u qasan, waxaana shacabka ay bilaabeen in ay kasoo fogaadaan meelaha AMISOM si aanay dhibaato usoo gaarin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News