U bood dhigaalka

Akhriso: Bayaanka Hey’adda Culimada Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Hey’adda culimada Soomaaliyeed ayaa soo saaray bayaan ku aadan khilaafka siyaasadeed ee hadda ka jira dalka.

Bayaanka Culumada Soomaaliyeed oo ka kooban 6 qodob waxaa uu u qornaa sidan:

1. Culimadu waxay soo jeedinayaan in mucaaradnimadu ay noqoto mid wax dhisaysa ee aanay noqon mid wax duminaysa, waxayna ku talinayaan in la wada tashado laysuna nasteexeeyo.

2 . Culimadu waxay ka digaysaa falalka iyo ereyada xanafta leh ee keeni kara in uu dalku dib ugu noqdo wixii dumiyay oo ah qabyaalada, dulmiga iyo danaysiga gaarka ah.

  1. Culimadu waxay soo jeedinayaan in dowladu ay dhowrto muwaadinka Soomaaliyeed xurmadiisa iyo xuquuqdiisa si ay cadaaladdu u hirgasho kalsoonida dadkuna u soo laabato.

4 . Culimadu waxay ku talinayaan in laga fogaado isticmaalka adeegsiga awoodda aan sharciga aheyn taasoo ay ka dhalan karto dhibaatooyin iyo fitno aan la xakameyn Karin.

5 . Culimadu waxay u soo jeedinayaan dhammaan siyaasiyiinta inay dalka ka ilaaliyaan faragelin shisheeye dhowraana madaxbanaanidiisa.

6 . Culimadu waxay u dardaamayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ilaashadaan diintooda, dowladnimadooda iyo walaaltinimadooda kana digtoonaadaan wax kasta oo dhaawici kara wadajirkooda keeni karana tafaraaruq iyo Khilaaf.