U bood dhigaalka

AKHRI 12 BUUG SANADKA 2020

Sheeko:War

Waxaan kugula talinayaa in liis akhrintaada sanadkan 2020 (reading list) aad ku darsato buuggaagtan hoos ku xusan.  Waayo akhrinta buuggaagtan oo kale waxaad ka helaysaa xikmad weyn oo ku saabsan hoggaaminta, indheergaradnimada, dhaqan siyaasiga Afrika iyo nolosha guud ee bulshada.

 

  1. Julius Nyerere by Pual Bjerk

Buuggan waa muhiim! Wuxuu ka sheekeynayaa taariikh nololeedka madaxweynahii ugu horreeyey dalka Tanzania, Mwalimu Julius Nyrerere. Wuxuu ahaa hoggaamiye ruuxi ah, qaran-dhise baal dahab kaga qoran taariikhda Afrika. Shakhsiyan, waxaan ka dhigtay tusaallahayga siyaasadda iyo macallinkayga falsafadda.

Buuggan waxaan kula talinayaa in ay akhriyaan siyaasiyiinta Soomaalida, dhallinyarada jecel in mustaqbalka dhow ay madax ka noqdaan dalka iyo ardayda xiiseysa mowduucyada la xiriira qaran-dhiska, fekerka hantiwadaagga Afrikaannimo iwm.

  1. BECOMING by Michelle Obama

Waa buug ka sheekeynaya taariikh nololeedka Michelle; yaraanteedii iyo dhallinyarannimadeedii. Waa buug ay ku kaydisay xusuusteeda jacayl. Waxaa aad ii soojiitay cutubka siddeedaad oo ku saabsan isbarashada Obama iyo Michelle. Mar waa iyada oo jaamacadlay ah; marna waa iyada oo saaxiibkeed Obama “mentor” u ah.

Haddii aad tahay qof rumaysan awoodda dumarnimo, buuggan waa buuggaagii ee ku raaxayso akhriskiisa.

  1. Introduction to African Politics by Alex Thomson

Buuggan innaba caadi ma aha! Wuxuu ku dulwareeganayaa saddex fekradood oo lafdhabar u ah fahamka siyaasadda Afrika, waxayna kala yihiin: Dowladnimo, ururada rayidka iyo farogelinta shisheeyaha. Waa buug ka hadlaya mowduucyada hay’adaha dowliga, eesha gumeysiga, dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo-doonka, dowrka ururada rayidka, gumeysiga ka dib afgambiyadii militari, fekerka Maaksiisimka iwm.

Haddii aad rabto in faham qotodheer aad u yeelato dhaqan siyaasadeedka Afrika; buuggan wuu ku caawinayaa. Ku darso liiska akhriska sanadkan, kuna raaxayso akhriskiisa.

  1. Why Nations Fail by Daron Acemogle iyo James A Robinson

Waa buug cajiib ah! Wuxuu sahminaya sababta keentay in dalalku fashilmaan. Waa buug soo bandhigaya doodda ah, in bini’aadamku u baahan yahay hay’ado xoog badan oo ku dhiirriggeliya waxsoosaarkooda dhaqaale.

  1. Define and Rule by Mahmood Mamdani

Waa buug yar oo xiiso badan, kama badna 165 bog. Waxa uu xambaarsan yahay aqoon macne leh oo ku saabsan sida gumeystaha Ingiriisku u xukumay Afrika. Mamdani, buuggiisan wuxuu diiradda ku saarayaa taariikhda xukunka dadban iyo isbeddeladii ku yimid qorshaha xukun ee gumeysiga.

  1. IDENTITY by Francis Fukuyama

Waa buuggii ugu dambeeyay ee uu qoray. Wuxuu diiradda ku saaray hab dhaqanka bini’aadamka iyo waxa dhiirrigeliya marka la joogo siyaasadda. Waa buug sharxaya fashilka fekerka libaraalka iyo dimuqoraaddiga, ee ku aaddan haqabtirka baahida bini’aadamka. Akhriso buuggan haddii aad rabto in aad fahamto siyaasadda qabiilaysiga, kooxaysiga iwm.

  1. From Third World to First: The Singapore Story – 1965-2000 by Lee Kuan Yew

Weligaa ma maqashay sheekada ku saabsan horumarka Singapore? Buuggan wuxuu ka sheekeynayaa taariikh nololeedka hoggaamiyahii dalka Singapore, Lee Kuan Yew. Iyo sida uu ugu guulaystay in dalkiisa uu ka dhigo mid ka mida dalalka ugu hodan caalamka.

Haddii ay kaa go’an tahay in aad beddesho nolosha Soomaalida, oo aad ka dhigto dad leh dowlad-qaran (nation-state); buuggan akhri.

 

  1. THE LOOTING MACHINE by Tom Burgis

Buuggan innaba caadi ma aha. Waa buug baaraya waxyaabaha sababay dibudhaca dhaqaalle ee dalalka Afrika. Iyo boobka shirkadaha reer galbeedka ay ku hayaan hantida khayraadka dabiiciga sida shidaalka, saliidda, dahabka, dhaymanka iwm. Akhri buuggan. Waa iga talo.

  1. Saaxiibo Kasbo by Cabdiraxman Xuseen Abuu Xamza

Haddii aad rabto in sanadkan aad ku dhammaysato jacayl, raaxo, laabfurnaan, saaxiibtinnimo iyo dulqaad badan; akhriso buuggan. Waa iga talo.

  1. SOMALI PHOENIX by Jama Mohamed Ghalib

Akhri buuggan si aad wax badan uga ogaato taariikhda siyaasiga ee Somalia, sanadyadii 1990 ilaa 2004.

  1. The Treason of the Intellectuals by Julien Benda

Waa buug ka sheekeynaya khiyaanada uu indheergaradka ka galo bushadiisa. Waa kuma indheergarad? Marka la eego Benda, indheergaradku waa qofka runta ku gabya, garabna u noqda dhibbanaha ama kooxda dulman. Waa buug cajiib ah! Oo wax iska weyddiinaya dowrka indheergaradka, waajibaadka saaran iwm.

  1. I AM MALALA by Malala Yousafzai, Christina Lamb

Waxaa ku qoran taariikh nololeedkeeda, Malala Yousafzai. Iyo safarkeedii dheeraa-ka soo bilow Pakistan ilaa Ingiriiska. Waa buug qoraya halganka nolosha, waxbarasho, diin iyo argagax. Waa sheeko dhab ah.

 

Ugu dambeyn, sanadkan 2020 waa sanadkii akhriska.

Ku raaxayso akhriska buuggaagtaas.

 

WQ: Hassan Mudane

Bare Jaamacadeed

[email protected]