U bood dhigaalka

Akhriso: 25 Qof oo 6 Turki Tahay oo Waxyeelo Kasoo Gaartay Qarax

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay halka 20 kale ay ku dhaawacmeen qarax waxyar kahor ka dhacay jidka Afgooye ee galbeedka Muqdisho.

Dadka dhaawacyada ah waxaa ku jira 6 Turki ah oo ka mas’uul ahaa dhismaha jidka Afgooye-Muqdisho, sida ay Anadol u xaqiijisay safaaradda Turkiga ay ku leeyihiin caasimadda Muqdisho.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan inta dadka waxyeelada soo gaartay uu kujiro ku-xigeenka taliyaha Haramcad oo ah ciidamada gaar ah oo Turkida ay tababareen, kana mas’uul ahaa ilaalada jidka.

Ilaa hadda qaraxan kama hadlin hey’adaha dowladda federaalka ah iyo kuwa amniga, waana qaraxii 2-aad ee muddo bil ka yar lagu bartilmaameedsado Injineero Turki ah.

Ugu yaraan 89 ayaa ku dhimatay halka 100 ka badan ku dhaawacmeen qarax isla jidkaasi ka dhacay 28-kii bishii tagtay.

Goobjoog News