U bood dhigaalka

Akhriso: 4 Qodob Oo Ay Ku Heshiiyeen Soomaaliya, Itoobiya Iyo Eritrea

Sheeko:Dalka

Dalalka  Ethiopia, Somalia iyo Eritrea oo la sheegayo inay wadaagaan darsinnimo, taariikh, dhaqan iyo diin ayaa waxyaabaha ay madaxdooda ku heshiiyeen waxaa ka mid ah: in la ixtiraamo madaxbannaanida, qarannimada iyo bad-qabka dhlueed ee dal weliba.

Si, haddaba xiriirka taariikhiga ah loo xoojiyo, dalalkaasi waxaa ay ku heshiiyeen inay ujeedooyinka 4ta ah ee soo socda:

1. Sadexda dal waxaa ay ku heshiiyeen  iskaashi u adeegaya shucuubta dalalkaasi ku nool.

2. Sadexda dal waxaa ay dhisayaan xiriir soke oo dhaqan, dhaqaale, bulsho iyo xataa mid amni.

3. Saddexda dal waxaa ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan arrimaha nabadda iyo amniga.

4. Saddexda dal, iyada oo laga ambaqaadayo heshiiskan waxaa ay saarayaan guddi heer sare ah oo la socda hirgelinta.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa xalay heshiis saddex geesood ah ku wada kala saxiixday magaalada Asmara ee caasimadda waddanka Eratariya.

Goobjoog News