U bood dhigaalka

Akhriso : 7 Qodob Oo Noqon Doona Ajendaha Shirka Doorashada

Sheeko:Amniga

Sida ay xukuumadda Soomaaliya ku dhawaaqday waxaa maanta furmaya shirka doorashooyinka dalka oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka .

Shirkan ayaa looga hadlaya Ajendayaal dhowr ah oo gundhig u ah heshiiskii 17 September Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxda dowladda Federaalka iyo hogaamiyayaasha dowlad gobaleedyada dalka .

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay kulama isusoo dhawaansho ah kuwaas oo u dhaxeeyay xukuumadda iyo madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka .

Hadaba GoobJoog News  waxa ay kula wadaageysa 7 Qodob oo noqon doonta  Ajendayaasha looga hadlyo shirka maanta furmaya :-

1: Xal ka gaaridda guddiyada doorashooyinka

2: Xal u helidda Arrinta gobalka Gedo

3: Meel saaridda cidda soo xuleysa guddiyada doorashooyinka Somaliland

4: Xalinta shaqaaqadii dhacday 19 February iyo shaqaaqooyinkii ka dambeeyay

5: Ra’iisul wasaaraha in uu qaato kaalinta maamulka doorashada

6: Amniga Doorashada

7: Dejinta Jadwalka doorashada

7: Waqtiga Doorashooyinka ay bilaabmayaan .