U bood dhigaalka

Akhriso: 8 Xaqiiqo Oo Muhiim u Ah Doorashada 2016-ka, Shuruudda Ergada, Tartamayaasha Labada Aqal, Haweenka  iyo Lacagaha

Sheeko:Dalka

Dalka waxaa ka dhacaya doorasho, dad badan ayaa isweydiinaya waa maxay shuruudaha laga rabo ergo doorasho, shuruudaha dadka u sharaxan labada aqal, sidee haweenka ku heli karaan 30% iyo lacagaha murashaxiinta laga qaado cidda isticmaaleysa, waxaa kaloo mihiim ah in la ogaado shaqada labada guddi doorasho ee heer qaran iyo midka dowlad goboleedka goorta ay ku egtahay?

Hadabada halkan ka akhriso dhammaan Macluumaadkaas:

Shuruudaha qofka ergada ee (51)-ka ka mid noqonaya waa:

In uu  Soomaali yahay

kursiga ergada uu u noqonaayo ay beeshiisa leedahay.

In aan madaxa looga jirin.

In da’diisa aaney ka yareyn 18 sano.

In aanu murashax u aheyn labada aqal midkoodba.

In uu fahamsan yahay mas’uuliyadda doorashada,

In maxkamad ugu xukumin fal-dambiyeed lagu muteysanayo xarig 5-tii sano ee ugu dambeysay.

In aanu hadda heynin  xil siyaasadeed.

In  aanu xiriir la laheyn waxa loogu yeero argigixiso.

Shuruudaha Laga rabo Qofka rabo labada aqal:

In uu yahay muwaadin Soomaaliyeed.

In aanu dhimirka la’eyn.

Da’diisu waa in aaney ka yaren 25 sano.

Xuquuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadeed lagu hakin 5-tii sano ee ugu dambeysay.

Heysto waxbarasho shahaado dugsi sare ah ama khibrad u dhiganta .

In aanu xiriir la laheyn kooxaha loogu yeero argigixisada.

Isticmaalka Lacagta Tartamayaasha: Xildhibaan qofka doonaya waxaa laga rabaa lacag ilaa $5000 halka qof aqalka sare u tartamaya laga rabo lacag dhan $10,000.

Lacagta Murashaxiinta laga qaadayo waxaa loola jeedaa: in dad badan aaney isa soo sharaxin, in lacagtaas doorashada lagu isticmaalo, 70% lacagta ka soo xaroota labada aqal waxaa lagu qarash-gareen doonaa dowlad goboleedyada iyo goobaha ay doorashada ka dhacesyo halka 30% la siin doono guddiga doorashada ee heer federal.

Beesha iyo Haweenka:  Ergada doorasho ee Xildhibaanka dooran doona waa 51 xubnood, 30% oo u dhiganta ilaa 15 gabdhood ayaa shardi laga dhigay.

Haweenka Labada Aqal: Haweenka waxaa laga qaadi doonaa aqalka hoose $2500 oo ah 50% lacagta ragga laga qaado, halka aqalka sare laga qaadi doono $5000 oo sidoo kale u dhiganta 50% inta ragga laga qaadayo.

Kursiga Hal Qof U soo Istaago: Kursigii hal qof keliya u soo istaago oo xitaa lacagta bixiyo, isla markaana la helo ergadii 51-da aheyd, Kursigaas waa baadil ama waa la baa’binayaa doorashadaas, doorashada waa waxba kama jiraan.

Beshii Haween Iska Diida: Beeshii soo gudbiso ergo 51 qof ah isla markaana aaney ku jirin ilaa 15 haween ah, waxaa la sheegayaa in kursigaas aan loo tartami doonin.

Dhammaadka Shaqada Labada Guddi Doorasho: Shaqada guddiga doorashada heer gobol waxaa ay ku egtahay marka ay dhacdo doorashada aqalka hoose halka shaqada guddiga doorashada heer federal ay ku egtahay doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, si baarlamaanka dalka uu mas’uul uga ahaado doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee dhaceysa 30-ka October 2016-ka.

W/Q: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye,

[email protected]